Xilliga Koobka Adduunka badanaa waa waqti ay ku farxaan taageerayaasha, ciyaartoyda, martigeliyayaasha iyo saxaafaddu.
Laakiin kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta mararka qaar dhib ayay kala kulmaan, maadaama ciyaartoydooda badankoodu ay u baxaan xulalkooda, taasoo gaabinaysa diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.
Sannadkan se kooxo badan ayaa nasiib yeeshay, sababtoo ah ciyaartoy badan oo caan ah ayaa laga reebay xulalkooda ama xulalkoodu ma aysan soo bixin.
Warbixintan waxan ku soo bandhigaynaa 7 kooxood oo ka faa’iidaya koobka adduunka sanadkan 2026.
1. Liverpool FC
Liverpool caadiyan waxay Koobka Adduunka u diri jirtay inta badan safkeeda koowaad, balse sannadkan sidaas ma aha.
Ciyaartoyda aan tegin waxaa ka mid ah:
- Jeremie Frimpong (Netherlands laga reebay)
- Federico Chiesa (Italy ma soo bixin)
- Dominik Szoboszlai (Hungary ma soo bixin)
- Milos Kerkez (Hungary ma soo bixin)
- Hugo Ekitike (dhaawac)
- Giorgi Mamardashvili (Georgia ma soo bixin)
- Joe Gomez iyo Curtis Jones (England uma yeedhin)
Taasi waxay siinaysaa tababaraha Liverpool waqti dheeraad ah oo uu kooxdiisa kula shaqeeyo xagaaga. Liverpool waxay Koobka Adduunka u dirtay 8 ciyaaryahan oo keliya.
2. Real Madrid
Real Madrid ayaa sidoo kale si weyn uga faa’iidaysanaysa.
Ciyaartoyda aan tegin waxaa ka mid ah:
- Dean Huijsen
- Álvaro Carreras
- Trent Alexander-Arnold
- Eduardo Camavinga
- Franco Mastantuono
Sidoo kale Éder Militão iyo Rodrygo dhaawac ayay ku seegeen. Taasi waxay siinaysaa tababaraha cusub fursad uu hore ugu bilaabo diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.
3. Sevilla FC
Sevilla waxay lahayd xilli ciyaareed adag oo ay kula dagaallamaysay inay ka badbaaddo heerka hoose.
Kaliya saddex ciyaaryahan ayaa Koobka Adduunka aadaya, taasoo ka dhigaysa in kooxda inteeda badan ay diyaar u noqoto tababarrada xagaaga. Tani waxay ka caawin kartaa inay dib ugu soo laabtaan tartamada Yurub.
4. Chelsea FC
Chelsea sidoo kale waxay haysataa ciyaartoy badan oo aan Koobka Adduunka tegin:
- Robert Sánchez
- Wesley Fofana
- Cole Palmer
- Roméo Lavia
Kooxdu waxay heli doontaa waqti badan oo tababaraha cusub uu ku dhiso falsafaddiisa kahor xilli ciyaareedka cusub.
5. Tottenham Hotspur FC
Tottenham sidoo kale ciyaartoy badan ayaa laga reebay ama dhaawac ku seegay.
Waxaa ka mid ah:
- Conor Gallagher
- Richarlison
- Mathys Tel
- James Maddison
Inta badan kooxda ayaa guriga joogi doonta, taasoo siinaysa tababare cusub fursad uu si fiican ugu diyaariyo kooxda.
6. Bayer 04 Leverkusen
Leverkusen waxay Koobka Adduunka u dirtay 5 ciyaaryahan oo keliya.
Inta kale ee kooxda waxay bilaabi karaan diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub waqti hore, taasoo siin karta faa’iido ay kaga horreeyaan kooxaha kale ee Bundesliga.
7. RC Lens
Lens waxay xilli ciyaareedkii hore si adag ula tartantay PSG waxayna ku dhammaatay koob.
Ciyaartoy badan oo kooxda ah lama soo xulan, taasoo u oggolaanaysa kooxda inay si hore ah u bilowdo diyaar-garowga. Marka la barbar dhigo PSG oo 15 ciyaaryahan u dirtay Koobka Adduunka, tani waxay siin kartaa Lens faa’iido bilowga xilli ciyaareedka.
Be the first to comment