WARBIXIN: 5 Khalad Oo Ay Arsenal Samaysay Final-kii Champions League.

Final-ka UEFA Champions League 2026 wuxuu ahaa kulan aad u adag. Labada kooxoodba waxay fursad u haysteen inay ku guuleystaan laba koob oo waaweyn hal xilli ciyaareed gudaheed, balse ugu dambayn PSG ayaa koobka qaaday.

120 daqiiqo gudahood labada kooxood si weyn ayay isugu dheellitiranaayeen, waxaana ciyaarta lagu go’aamiyay rigooreyaal.

Arsenal ayaa gool hore dhalisay, taasoo ka dhigtay kooxda loo badinayo inay guuleysato, laakiin ugu dambayn way guuldarraysatay.

Warbixintan waxanu ku soo bandhigaynaa 5 khalad oo la rumaysan yahay inay Arsenal ka hor istaageen koobkeedii ugu horreeyay ee Champions League.

1. Khaladka Rigooraha ee Gabriel

khaladka ugu horeeya ayaa ah in , Gabriel Magalhães, aanu ahayn inuu qaato rigooraha shanaad ee ugu cadaadiska badan. Inkasta oo uu yahay ciyaaryahan khibrad leh, haddana xirfadda rigooraha ma aha mid lagu yaqaan. Waxa la xusay in tani ahayd rigoorihii ugu horreeyay ee uu Arsenal u qaato, taasoo la yaab leh marka la eego inuu kooxda joogay lix sano. Ugu dambayn rigoorihiisii wuu khasaariyay, isagoo kubbadda ka dul mariyay goolka.

2. Bilaabista Cristhian Mosquera halkii lagu bilaabi lahaa Timber:

Tababare Mikel Arteta ayaa lagu dhaliilay inuu ku bilaabay Cristhian Mosquera halkii uu ka bilaabi lahaa Jurrien Timber. Timber, xitaa haddii aanu 100% caafimaad qabin, wuu ka khibrad iyo tayo badnaa Mosquera. Mosquera ayaa la sheegay inuu dhib badan kala kulmo booska daafaca midig, waxana uu sababay rikoodhadii kooxdiisa laga dhaliyay.

3. Arsenal oo si xad dhaaf ah u difaacatay

Arsenal waxay u muuqatay inay isku dayaysay inay difaacato goolkii ay dhalisay daqiiqaddii shanaad ilaa dhammaadka ciyaarta. Inkastoo difaacoodu fiicnaa, haddana kooxdu waxay kubada haystay kaliya 24.7% taasoo noqotay tii ugu hooseysay ee abid lagu diiwaangeliyo final Champions League ah. Arsenal waxay samaysay hal laad oo bartilmaameedka galay iyo hal fursad weyn oo keliya 120 daqiiqo gudaheed.

4. Beddelidda Laadleyda Rigooraha Ugu Fiican

Arteta wuxuu ciyaarta ka saaray saddexda ciyaaryahan ee ugu wanaagsan rigoorayaasha kooxda:

  • Bukayo Saka
  • Martin Ødegaard
  • Kai Havertz

Kadib ciyaarta Arteta laftiisu wuxuu qiray inay ahaayeen saddexda laadle ee ugu fiican kooxda. Sidaas darteed, haddii qorshuhu ahaa in ciyaarta lagu gaadho rigooreyaal, ugu yaraan mid ka mid ah saddexdan ciyaaryahan waa inuu garoonka ku sii jiri lahaa.

5. Riccardo Calafiori oo aan la ciyaarsiin

Riccardo Calafiori laga yaabaa inuu wax badan ka tari lahaa weerarka Arsenal. Waxaa lagu tilmaamay ciyaaryahan aan la saadaalin karin marka uu hore u socdo, isla markaana dhibaato ku abuuri kara difaacyada. Inkasta oo qodobkan lagu tilmaamay mid dood laga geli karo, haddana waxa xaqiiqo ah in Calafiori uu Arsenal siin lahaa halis weerar oo dheeraad ah

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga