Declan Rice Oo Digniin U Diray Kooxaha Kale Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub.

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal iyo xulka England, Declan Rice, ayaa sheegay inuu ka soo kabtay niyad-jabkii ka dhashay guuldarradii finalka UEFA Champions League ee PSG, isagoo ballanqaaday in Arsenal ay xilli ciyaareedka dambe u soo laaban doonto koobab badan.

Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa si degdeg ah uga soo kabanaysay guuldarradii xanuunka badnayd ee ka soo gaartay Budapest, halkaas oo Luis Enrique iyo PSG ay rigoorayaal ku difaacdeen horyaalka Yurub.

Arsenal, oo ku guuleysatay horyaalka Premier League toddobaad iyo badh ka hor, waxay u muuqatay inay ku dhowdahay guul weyn markii Kai Havertz uu gool dhaliyay lixdii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta, taasoo farxad gelisay taageerayaashii Arsenal ee safarka ku tagay finalka.

Si kastaba ha ahaatee, Ousmane Dembele ayaa PSG u barbareeyay ciyaarta daqiiqaddii 65-aad isagoo rigoore dhaliyay. Markii rigoorayaal lagu kala baxayay, Eberechi Eze iyo Gabriel Magalhaes ayaa qasaariyay rigoorooyinkoodii.

Saacado yar kadib guuldarrada, ciyaartoyda Arsenal ayaa diyaarad ka raacay Budapest 2-dii habeenimo si ay ugu biiraan taageerayaashooda dabaaldeggii horyaalka Premier League ee ka dhacay waqooyiga London galinkii dambe.

Jawigu wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan, iyadoo kabtanka Martin Odegaard iyo saaxiibbadiis ay kor u qaadeen koobka iyagoo saarnaa bas furan, halka boqolaal kun oo taageerayaal ahi ay isugu soo baxeen waddooyinka Islington, Highbury iyo Canonbury si ay u dabaaldegaan guushaas taariikhiga ah.

Rice, oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu muhiimsanaa Arsenal xilli ciyaareedkan, ayaa isagoo dhoolla-caddeynaya yiri:

“Waan jeclahay kooxdan, waan jeclahay tababarahan.”

“Inaad aragto farxadda aan dadka u keeni karno waa wax cajiib ah.”

“Sannadka dambe waxaan u soo laabaneynaa koobab kale. Diyaar garooba ama dib ayaa lagaa reebi doonaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga