WARBIXIN:Liiska 5-ta Kooxood Ee Haysta Koobka Asalka Ahaa Ee Champions League

Inkastoo Paris Saint-Germain ay ku guuleysatay Champions League 2026 kadib markii ay ka adkaatay Arsenal, UEFA uma oggola inay haysato koobkii asalka ahaa.

Xeerarkii hore ee UEFA waxay dhigayeen in koox kasta oo:

Ku guuleysata tartanka 5 jeer guud ahaan, ama

Ku guuleysata 3 jeer oo xiriir ah,

ay si rasmi ah u lahaan karto koobkii asalka ahaa. Shantan kooxood oo keliya ayaa taas ku guuleystay:

1. Real Madrid

Kooxdii ugu horreysay ee heshay koobka asalka ah.

Waxay ku guuleysatay 5-tii koob ee ugu horreysay (1956–1960).

UEFA waxay siisay koobka si rasmi ah sanadkii 1967.

2. Ajax

Waxay ku guuleysatay 3 Champions League oo xiriir ah (1971–1973).

Xilligii halyeeyga Johan Cruyff iyo falsafaddii “Total Football”.

3. Bayern Munich

Waxay qaaday 3 koob oo xiriir ah (1974–1976).

Waxaa hoggaaminayay halyeeyga Franz Beckenbauer.

4. AC Milan

Waxay xaq u yeelatay koobka kadib guushii 5-aad ee Yurub sanadkii 1994.

5. Liverpool

Waxay heshay koobka asalka ah kadib guushii 5-aad ee Champions League sanadkii 2005.

Finalkii caanka ahaa ee Istanbul ayay kasoo laabteen 3-0 oo ay kaga badiyeen AC Milan.

Maxay Barcelona u haysan wayday koobka asalka ah?

Inkasta oo FC Barcelona ay ku guuleysatay Champions League 5 jeer, haddana ma laha koobka asalka ah.

Sababta ayaa ah in UEFA ay baabi’isay xeerkan sanadkii 2009. Tan iyo markaas, koox kasta oo ku guuleysata 5 koob ama 3 koob oo xiriir ah waxay heli kartaa oo keliya UEFA Badge of Honour oo lagu dhejiyo funaanadda, laakiin koobka asalka ahi wuxuu sii ahaanayaa hantida UEFA.

Kooxda ugu guulaha badan Champions League

1. Real Madrid – 15 koob

2. AC Milan – 7 koob

3. Liverpool – 6 koob

4. Bayern Munich – 6 koob

5. FC Barcelona – 5 koob

Sidaas darteed, Liverpool weli waxay ka mid tahay 5-ta kooxood ee adduunka ee si rasmi ah u haysta koobkii asalka ahaa ee Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga