Rodri Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Man City Kula Tartami Doona Premier League.

Rodri ayaa aaminsan in Arsenal iyo Liverpool ay yihiin halista ugu wayn ee Manchester City marka ay isku dayayaan in ay ku guulaystaan ​​koob shanaad oo xidhiidh ah oo Premier League ah.

Man City ayaa tartan adag kala kulantay Arsenal tartanka horyaalka premier League labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay halka ay dhawr sano oo xidhiidh ah tartan adag kala kulantay Liverpool.

Wareysi uu siiyay ESPN, Rodri ayaa sheegay in ay kooxaha Arsenal iyo Liverpool yihiin kooxaha ugu cad-cad ee Man City kula tartami doona horyaalka premier League.

“Waxaan u arkaa Liverpool mid xoogan manaan hubin sida ay uga jawaabi doonaan macsalaamaynta Jürgen [Klopp],” ayuu yidhi.

“Laakiin waxa ay u jawaabeen sidii ayna waxba is badalin mar walbana waa halis”.

“Arsenalna, waxaan filayaa in labadii sano ee la soo dhaafay, ahaayeen kooxda ugu halista badan ee aan wajahno aynu eegno sida ay wax u dhacaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga