Rice Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Declan Rice ayaa ka hadlay fursadaha Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka Premier League.

Rice ayaa sheegay ay Gunners awood u leedahay ku guulaysiga horyaalka Premier Leaguexilli ciyaareedkan.

Kooxda reer London ayaa caawa 3-0 uga badisay kooxda Bournemouth oo marti u ahayd, ciyaar ka tirsanayd wareegga 36-aad ee horyaalka Premier League, waxayna hoggaanka ku sii haysaa 83 dhibcood, waxana ay hal dhibic ka saraysaa Man City oo uu hal kulan baaqi u yahay.

Marka laga hadlayo tartanka loogu tartamayo horyaalka”Maan joogin Arsenal xilli ciyaareedkii hore, Man City waa mishiin mana lumiyaan dhibco badan”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Wax walba ayaa ka dhici kara kubbada cagta wax yaab leh ayaa dhici kara, mucjisooyinkuna way dhici karaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga