CHAMPIONS!! Real Madrid Oo Markii 36-aad Ku Guulaystay Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay ka badiyeen Cadiz isla markaas Barcelona guuldaro kala kulantay Giron.

Real Madrid ayaa 3/0 kaga badisay Cadiz kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka La Liga kana dhacay garoonkeeda Bernabue.

Barcelona ayaa dhinaca kale guuldaro 2/4 ah kala kulantay kooxda Girona kulan horyaalka La Liga.

Kadib natiijadan Real Madrid ayaa markii 36-aad ee taariikhdooda ku guulaystay horyaalka La Liga.

Dhinaca kale kooxda Barcelona ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka iyaga oo leh 73 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga