Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice, ayaa laga waayey xulka qaranka England, isagoo noqday mid ka mid ah shan ciyaaryahan oo muhiim ah oo ka maqnaan doona kulamada soo socda ee UEFA Nations League, Rice ayaa ku biiray xiddigaha Cole Palmer, Marcus Rashford, Kobbie Mainoo iyo Tino Livramento, kuwaas oo dhammaantood laga saaray safka England sababo la xiriira dhibaatooyin dhaawac ama xaalado jireed.
Declan Rice ayaa door weyn ku lahaa xulka England sanadihii ugu dambeeyay, waxaana uu kamid ahaa ciyaartoydii muhiimka u ahaa ololihii Koobka Adduunka 2026. Xiddiga Arsenal ayaa ka qeyb qaatay inta badan kulamadii England ee tartanka, marka laga reebo ciyaartii ugu dambeysay ee wareegga group-yada oo ay la ciyaareen Panama.
Wararka ayaa sheegaya in maqnaanshaha Rice uu la xiriiri karo maareynta culayska ciyaaraha, iyadoo xulka England uu isku diyaarinayo kulamo muhiim ah oo Nations League ah, Dhanka kale, Cole Palmer oo Chelsea u ciyaara ayaa isna laga saaray xulka. Palmer ayaa la filayay inuu door muhiim ah ka qaato kulamada soo socda kadib markii uusan qeyb ka noqon xulkii England ee aaday Koobka Adduunka 2026.
Manchester United ayaa sidoo kale labo ciyaaryahan ku weyday xulka England. Marcus Rashford iyo Kobbie Mainoo ayaa labaduba ka baxay kooxda Thomas Tuchel, halka Newcastle United daafaceeda Tino Livramento isna uu maqnaan doono, Shanta ciyaaryahan oo wada maqnaanaya ayaa dhibaato ku ah qorshaha Thomas Tuchel, gaar ahaan Rice oo kamid ahaa ciyaartoyda uu tababaraha England si weyn ugu tiirsanaa.
Si loo buuxiyo boosaska banaan, Tuchel ayaa xulka u yeeray James Garner oo Everton ka tirsan iyo Morgan Gibbs-White oo u ciyaara Nottingham Forest. Labadan ciyaaryahan ayaa lagu wadaa inay Talaadada ku biiraan xulka England ee ku sugan St George’s Park.
England ayaa kulamo muhiim ah wajahaysa, iyadoo Wembley kula ciyaari doonta Spain, ka hor inta aysan u safrin Prague si ay ula kulanto Czechia. Kadib waxay booqan doontaa Croatia, waxaana markale ay gurigeeda kula ciyaari doontaa Czechia.
Maqnaanshaha Rice, Palmer, Rashford, Mainoo iyo Livramento ayaa sidaas darteed Thomas Tuchel ku qasbaya inuu isbeddello ku sameeyo qorshihiisa, iyadoo xulka England uu isu diyaarinayo kulamada Nations League.
Be the first to comment