Real Madrid ayaa ku dhow inay dhammeystirto saxiixa Sergio Martínez, oo ah khadka dhexe ee da’da yar ee u ciyaara Racing Santander, kadib markii ciyaaryahanka 19 jirka ah uu go’aansaday inuu aqbalo dalabka kooxda reer Madrid.
Sida ay qortay warbaahinta AS, Martínez ayaa la filayaa inuu Racing Santander ka tago saacadaha soo socda, iyadoo kulanka ay kooxdiisu la ciyaareyso Getafe uu noqon karo ciyaartiisii ugu dambeysay ee uu u safto Racing.
Kadib kulankaas, ciyaaryahanka ayaa u dhaqaaqi doona caasimadda Spain si uu u dhammaystiro dhammaan tallaabooyinka looga baahan yahay inuu si rasmi ah ugu biiro Real Madrid.
19 jirkan ayaa marka hore ku biiri doona Real Madrid Castilla, kooxda labaad ee Los Blancos, halka mararka qaar loo oggolaan doono inuu tababar la qaato kooxda koowaad, doorkiisa ugu weyn xilli-ciyaareedkan wuxuu ahaan doonaa inuu la ciyaaro Castilla, taasoo siinaysa fursad uu ku helo waayo-aragnimo iyo horumar joogto ah.
Arrintan ayaa qeyb ka ahayd qodobadii ugu muhiimsanaa ee wada-hadallada, maadaama ciyaaryahanku doonayay inuu ogaado mustaqbalka iyo doorka laga filayo kooxda, Martínez ayaa aaminsan in u dhaqaaqista Real Madrid ay siin karto fursad uu ku horumariyo xirfaddiisa, isla markaana uu si tartiib ah ugu dhawaado kooxda koowaad.
Waxa arrintan ka dhigaya mid xiiso leh ayaa ah in Martínez uu hadda bilaabay inuu si dhab ah uga dhex muuqdo kooxda koowaad ee Racing Santander, wuxuu ciyaaray kulankii furitaanka La Liga, waxaana xitaa uu ku guuleystay inuu dhaliyo goolkii wareegga, taasoo indhaha kooxo badan ku soo jeedisay.
U wareegista Real Madrid waxay ka dhigan tahay in Martínez si ku-meel-gaar ah uga degayo heerka koowaad, maadaama uu la ciyaari doono Castilla oo ka tirsan heerka labaad.
Si kastaba, fursadda uu ugu horumari karo gudaha Real Madrid iyo rajada ah inuu mustaqbalka u gudbo kooxda koowaad ayaa noqotay sababaha ugu waaweyn ee uu go’aankan u qaatay.
Be the first to comment