Real Madrid Mise Dortmund? Rivaldo Oo Saadaaliyay Final-ka Champions League.

Rivaldo ayaa si lama filaan ah Dortmund ugu saadaaliyay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan ka hor final-ka ay la ciyaari doonaan Real Madrid Sabtid.

Final-ka tartanka ugu Tunka weyn kooxaha ayaa Sabtida ka dhici doona Wembley iyada oo ay isaga hor iman doonaan kooxaha Real Madrid iyo Dortmund.

Real Madrid ayaa raadinaysa koobkeedii 15-aad ee tartanka halka ay Dortmund isha ku hayso koobkeedii ugu horeeyay ee champions League.

“Real waa kuwa ugu cadcad finalka,” ayuu u sheegay Betfair.

“Si kastaba ha ahaatee Dortmund ayaa ku guulaysan doonta champions League, Waxa aan qabaa in ay Real ugu cad-cadahay taas shaki kama jiro laakiin Dortmund ayaa kalsooni ku soo galaysa kulanka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga