Real Madrid iyo Manchester United Oo Ku Dagaallamaya Saxeexa Xiddig £104 Milyan Oo Gini Ah

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ayaa ku dagaallamaya saxeexa xiddig ka ciyaara horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga oo mid walba ay doonayso inay la saxeexato xagaaga, kaas oo qiimihiisa lagu sheegay £104 milyan oo Gini.

Sida uu ku warramayo telefishanka Sky Sports, kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa xiisaynaysa xididdiga khadka dhexe ee reer Germany ee Florian Wirtz oo uu tababare Carlo Ancelotti doonayo in uu ku xoojiyo safkiisa xagaaga dambe, hase yeeshee waxa iyaguna aanu magacoodu qarsoonayn Manchester United iyo Bayern Munich oo mid walba ay indhaha ku hayso.

According to Sky Sports, Real Madrid are interested in adding the German to their ranks next summer. However, they could have to fend off interest from Manchester United and Bayern Munich in the future.

Wirtz oo ay da’diisu tahay 20 jir, isla markaana isku darsaday kubbad-samayn, dhalin iyo marka loo baahdo oo uu si fiican u difaacdo ayaa la sheegay in Real Madrid ay doonayso inay ku beddesho Luka Modric oo xagaaga si xor ah uga tegi doona.

Florentino Perez ayaa rumaysan in Witz uu leeyahay astaamaha shaqo ee Luka Modric oo toddoba bilood ay ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa, laakiin Manchester United ayaa dhinaceeda u doonaysa inay hesho beddelka Christian Eriksen.

Wirtz oo qandaraaskiisa Bayer Leverkusen uu soconayo illaa June 2027, ayaa 121 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa waxa uu u dhaliyey 29 gool iyo 40 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga