Arsenal & Chelsea Oo Ku Dagaallamaya Weeraryahan Ingiriis Ah, Man United Oo Lagu Qabsaday Serhou Guirassy, Liverpool Oo Heshay Burburiye Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Juventus ayaa liiska ciyaartoyda ay doonayso bisha January ku darsatay xiddiga reer England ee Kalvin Phillips ee boos la’aantu ku haysato Manchester City. (Mail)

Newcastle United ayaa dhinaceeda ka doonaysa Phillips, waxaanay u diyaar tahay dagaal ay saxeexiisa kula gasho Juventus. (90 min)

Manchester United iyo Newcastle ayay mid walba dhinaceeda u doonaysaa weeraryahanka reer Guinea ee Serhou Guirassy oo ah 27 jir qandaraaskiisa Stuttgart lagu burburin karayo £15 milyan oo Gini oo kaliya. (Guardian)

Tababare Ange Postecoglou ayaa sheegay, in ay suurtogal tahay in kooxdiisa Tottenham ay suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January la saxeexato khad dhexe, kaddib markii ay dersin ciyaartooyo ah ka dhaawacmeen, kuwo kalena ka teayaan tartanka qaramada Afrika. (Sky Sports)

Weeraryahanka Juventus ee Dusan Vlahovic ayaa wada-hadallo la bilaabay kooxdiisa, waxaana ay isla meel-dhigayaan qandaraas cusub oo uu kusii joogo Allianz Stadium, taas oo jug weyn ku ah Manchester United iyo Arsenal oo lala xidhiidhinayay. (Gazzetta dello Sport)

Liverpool waxay doonaysaa in ay la saxeexato xiddiga khadka dhexe ee xulka France iyo kooxda Nice ee Thephren Thuram oo 22 jir ah. (Fichajes)

Laakiin Liverpool dedaal badan uma samayn doonto sidii ay ula saxeexan lahayd weeraryahanka France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe oo 24 jir ah oo si bilaash ah lagu heli karayo xagaaga. (Florian Plettenberg)

Real Madrid ayaa diyaarisay dalab ay bisha January hordhigayso Kylian Mbappe oo heshiis hordhac ah ay kula sii gaadhayaan bisha January, si uu xagaaga si bilaash ah ugu yimaaddo Santiago Bernabeu. (Relevo)

Manchester City waxay qarka u saaran tahay shaacinta heshiis cusub oo ay ka saxeexdo weeraryahanka reer Norway ee Odxar Bobb oo 20 jir ah, kana soo baxay kulliyadda da’yarta. (90min)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga