Xulka qaranka Argentina ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga la qaban doono ciyaarta sagootinta Lionel Messi, iyadoo kabtanka iyo halyeeyga xulka Albiceleste uu fursad u heli doono inuu garoonka hortiisa markii ugu dambeysay ugu soo muuqdo taageerayaasha qarankiisa.
Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Argentina, Claudio Tapia, ayaa Talaadadii xaqiijiyay in Messi lagu casuumay ciyaar saaxiibtinimo oo xulka Argentina uu la ciyaari doono Benin, taasoo dhici doonta 6-da Oktoobar 2026 gudaha Argentina, Messi ayaa labo toddobaad ka hor si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah, go’aankaas oo si weyn uga yaabiyay taageerayaasha Argentina, maadaama uu weli yahay hoggaamiyaha iyo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan xulka, Si kastaba ha ahaatee, tababare Lionel Scaloni ayaa Messi u yeeray fasaxa caalamiga ah ee bilaha September iyo October, iyadoo xulka Argentina uu qorsheystay saddex kulan oo saaxiibtinimo ah.
Argentina ayaa marka hore la ciyaari doonta Bolivia 30-ka September, kadibna waxay wajihi doontaa Burkina Faso 3-da Oktoobar, halka kulanka ugu dambeeya uu noqon doono Benin 6-da Oktoobar, Kulanka Benin ayaa hadda yeelanaya muhiimad gaar ah, maadaama loo qorsheeyay inuu noqdo ciyaartii sagootinta Messi ee xulka Argentina.
Claudio Tapia ayaa sheegay in kadib wada-tashi uu la sameeyay tababare Scaloni, ay go’aansadeen in loo yeero Messi, isaga oo ku tilmaamay “ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, astaanta xulka iyo kabtankeena”, isla markaana uu si buuxda u mudan yahay ciyaar sagootin ah.
Messi oo hadda 39 jir ah ayaa sidaas heli doona fursad uu ugu macsalaameeyo taageerayaasha Argentina garoonka dalkiisa, isagoo muddo dheer ahaa wejiga ugu weyn ee xulka, isla markaana door muhiim ah ka soo qaatay guulihii waaweynaa ee Argentina.
Be the first to comment