RASMI: Guardiola OO Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Man City.

Tababaraha Manchester City FC, Pep Guardiola, ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda iyo Premier League.

Guardiola ayaa arrintan shaaciyay Jimcihii isagoo yiri:

“Waqti cajiib ah ayaan wada qaadanay.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Ha i waydiin sababta aan u baxayo.

“Sabab gaar ah ma jirto, laakiin qalbigayga gudihiisa waxaan ogahay inay tahay waqtigeygii.”

Tababaraha reer Spain ayaa ka tagaya garoonka Etihad kadib 10 sano oo uu joogay, inkastoo uu wali hal sano uga harsanaa heshiiskiisa.

Guardiola oo 55 jir ah ayaa ku guuleystay labo koob xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay, balse wuxuu seegay hanashada Premier League kadib barbarahii 1-1 ahaa ee ay City la gashay AFC Bournemouth.

Mudadii 10-ka sano ahayd ee uu joogay City, Guardiola wuxuu ku guuleystay 20 koob, oo ay ku jiraan:

  • 6 koob oo Premier League ah
  • 1 koob oo UEFA Champions League ah
  • Iyo koobab kale oo badan oo gudaha iyo Yurub ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga