Sida ay sheegayaan warbixino cusub, caqabad weyn ayaa laga qaaday qorshaha uu Alisson Becker ugu biirayo Juventus, iyadoo la sheegay inuu “diyaar u yahay inuu macsalaameeyo” Liverpool.
Waxay u muuqataa in Liverpool ay markale sameyn doonto isbeddel weyn oo dhanka ciyaartoyda ah xagaagan.
Tani waa arrin la filan karo kadib xilli ciyaareedkii xumaa ee 2025/26, iyadoo Mohamed Salah iyo Andy Robertson horey loo xaqiijiyay inay kooxda kaga tagayaan si xor ah xagaagan.
Warbixinadii ugu dambeeyay ayaa muujinayay in Alisson uu raaci karo Salah iyo Robertson, maadaama uu doonayo inuu ku biiro kooxda weyn ee Talyaaniga ee Juventus.
Kooxda Turin ka dhisan ayaa suuqa u gashay goolhaye cusub oo No.1 ah, waxayna mudnaanta siinayaan Alisson, kaasoo la sheegay inuu doonayo inuu dib ugu laabto Serie A, halkaas oo uu hore ugu soo ciyaaray AS Roma.
Warbixintu waxay sheegtay in caqabad weyn ay ahayd suurtagalnimada Juventus inay seegto u soo bixitaanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin warbixin cusub oo kasoo baxday Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in wakiillada Alisson ay Juventus u sheegeen inuu doonayo inuu heshiiskan dhameystiro xitaa haddii aysan kooxdaasi usoo bixin Champions League.
Warbixintu waxay tiri:
“Goolhayaha reer Brazil ee Liverpool wali wuxuu aaminsan yahay mashruuca Juventus xitaa haddii aysan u soo bixin Champions League. Wakiilkiisa ayaa diyaar u ah inuu dedejiyo wada-hadallada kadib xiriir cusub oo lala sameeyay maamulka kooxda.”
Waxaa sidoo kale lagu daray:
“Wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro Juventus, wuxuuna diyaar u yahay inuu macsalaameeyo Anfield Axadda 5-ta galabnimo kulanka ugu dambeeya Premier League ee ay la ciyaarayaan Brentford. Tababare Arne Slot ayaa la filayaa inuu kusoo bilaabo, laakiin Alisson wuxuu doonayaa inuu ciyaartaasi noqoto gunaanad qurux badan kadib sideed sano oo xusuus leh oo uu ku qaatay Liverpool.
Dhanka kale, Harvey Elliott ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu Liverpool ka tago xagaagan kadib amaah aan wanaagsanayn oo uu ku qaatay Aston Villa.
Elliott ayaa la filayaa inuu kusoo laabto Liverpool kahor xilli ciyaareedka cusub, laakiin warbixin kasoo baxday Football Insider ayaa sheegtay in Reds ay “aqbali doonaan dalab £25 milyan ah” xagaagan, iyadoo kooxda cusub ee Premier League kusoo baxday ee Coventry City ay ka mid tahay kooxaha xiiseynaya.
Khabiirka dhaqaalaha kubadda cagta Stefan Borson ayaa yiri:
“Ciyaartoyda noocan ah, da’da ayaa muhiim noqota. Wuxuu jiraa 23 sano oo keliya, sidaas darteed qiimihiisu si weyn hoos uguma dhici doono.”
Wuxuu sii raaciyay:
“£25 milyan waxay u muuqataa qiime macquul ah. Hore wuxuu ugu socday £35 milyan, sidaas darteed koox ayaa qaadan doonta £25 milyan.”
“Waxaa laga yaabaa koox cusub oo Premier League usoo baxday ama koox qeybta hoose ka ciyaarta. £25 milyan waxay u muuqataa lacag lagu tijaabin karo. Laakiin xaaladdiisu runtii waxay noqotay jahwareer.”
Be the first to comment