Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay xaaladda caafimaad ee ciyaaryahankeeda cusub Jesse Bisiwu, kaddib markii uu dhaawac soo gaaray kulankii Barcelona Atlètic ay la ciyaartay Sabadell, Bisiwu ayaa ku qasbanaaday inuu garoonka ka baxo intii lagu jiray finalka Koobka Catalonia, kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray lugta bidix, taasoo ka dhalatay isku dhac xooggan oo dhex maray isaga iyo ciyaaryahan ka tirsan kooxda kasoo horjeeday.
Barcelona ayaa sheegtay in baaritaanno caafimaad oo ciyaaryahanka lagu sameeyay maanta, Khamiis, ay xaqiijiyeen in dhaawacu yahay jug ama nabar fudud (contusion) oo ka soo gaaray bowdada bidix, war wanaagsan ayaa ah in dhaawaca uusan ahayn mid halis ah, waxaana la filayaa in Bisiwu uu waqti dhow dib ugu soo laabto tababarka, ciyaaryahanka reer Belgium ayaa ku biiray Barcelona Atlètic si uu uga qeyb qaato kulamadii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka cusub, isla markaana uu ula qabsado kooxda labaad ee Barcelona.
Kulankii Sabadell wuxuu ahaa kulankiisii labaad ee uu u ciyaaro Barcelona Atlètic, kaddib markii uu dhawaan sameeyay kulankiisii ugu horreeyay isagoo hoos yimaada tababaraha kooxda, Juliano Belletti, Barcelona ayaa xagaagan sameysatay dhowr saxiix oo cusub iyadoo diyaargarow ugu jirta xilli ciyaareedka 2026/2027. Ciyaartoyda cusub ee kooxda waxaa ka mid ah Rodri, Anthony Gordon, Jesse Bisiwu, Karim Adeyemi, João Cancelo, Dominik Livaković iyo Gabriel Jesus.
Inkasta oo dhaawaca Bisiwu uu walaac yar ku abuuray kooxda, baaritaanka caafimaad ayaa meesha ka saaray cabsi laga qabay dhaawac weyn, waxaana hadda la sugayaa soo kabashadiisa iyo waqtiga uu si buuxda ugu laaban doono tababarka.
❗️ COMUNICAT MÈDIC
El jugador Jesse Bisiwu va rebre un cop a la cama esquerra durant el partit d’ahir.
Les proves mèdiques realitzades aquest matí han confirmat que es tracta únicament d’una contusió.
La seva reincorporació als entrenaments està prevista en un termini breu. pic.twitter.com/XSG3vgjOfk
— Barça Atlètic (@FCBarcelonaB) September 3, 2026
Be the first to comment