Ciyaaryahanka reer Ivory Coast ee Maliq Yalkou, oo u ciyaara Brighton & Hove Albion, ayaa baraha bulshada ka dhaliyay dood xooggan oo ku saabsan da’diisa, kaddib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League, Yalkou oo lagu sheegay inuu 20 jir yahay, ayaa Brighton u dhaliyay gool kulankii ay la ciyaareen Chelsea FC Axaddii, kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee Premier League.
Laakiin halkii ay dadka inta badan uga hadli lahaayeen goolka uu dhaliyay, muuqaalka ciyaaryahanka iyo gaar ahaan timo-la’aanta madaxiisa ayaa noqotay arrinta ugu weyn ee baraha bulshada lagu falanqeeyay, qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa xitaa su’aal geliyay inuu dhab ahaantii 20 jir yahay, iyadoo qaar ka mid ah faallooyinka lagu sheegay in muuqaalka ciyaaryahanku uusan u ekaan qof da’daas ah.
Kadib doodda dhalatay, kooxdii uu kasoo baxay ciyaaryahanka ee ASEC Mimosas ayaa si cad uga jawaabtay shakiga laga muujiyay da’diisa, kooxda Ivory Coast ayaa baraha bulshada ku baahisay sawirro kayd ah oo Yalkou laga qaaday intii uu ku jiray akadeemiyadda kooxda, laga bilaabo 2018 ilaa 2023.
ASEC Mimosas waxay sheegtay in sawirradaasi ay muujinayaan safarka ciyaaryahanka, tababarkiisa iyo sida uu sannadba sannadka ka dambeeya u soo korayay, kooxdu waxay fariinteeda ku adkaysatay in diiwaanka sawirradu uu yahay jawaabta ugu wanaagsan ee su’aalaha laga keenayo da’da Yalkou, iyadoo dadka ugu baaqday inay iska indhatiraan doodaha aan salka lahayn.
Sida lagu sheegay warbixinta, Maliq Yalkou wuxuu dhashay 18 November 2005, isagoo ku dhashay dalka Mali, balse ku koray Ivory Coast, wuxuu kubbadda cagta ka bilaabay akadeemiyadda Stars d’Abobo, ka hor inta uusan 2018 ku biirin ASEC Mimosas kadib wuxuu u dhaqaaqay Yurub, isagoo soo maray IFK Göteborg ee Sweden.
Brighton ayaa Yalkou la soo wareegtay xagaagii 2024, iyadoo bixisay qiyaastii 7 milyan oo euro, oo u dhiganta ku dhowaad 7.6 milyan oo dollar, intii uu Brighton ka tirsanaa, waxaa amaah loogu diray SK Sturm Graz ee Austria iyo Swansea City AFC ee Wales, xagaagan ayuu Brighton dib ugu soo laabtay, waxaana hadda uu fursad ka helay kooxda koowaad.
Goolka uu Yalkou ka dhaliyay Chelsea wuxuu ahaa goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League, inkastoo Brighton ugu dambeyn laga adkaaday, chelsea ayaa Stamford Bridge ku badisay 4-3, iyadoo ciyaartu ahayd kulan aad u xiiso badan.
Sidaas darteed, Yalkou wuxuu hal mar helay goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League, balse sidoo kale wuxuu noqday ciyaaryahan si weyn looga hadlay baraha bulshada—ma ahan oo keliya waxqabadkiisa, balse sidoo kale muuqaalka iyo da’diisa oo la isku khilaafay.
Be the first to comment