Raphinha Oo Ay U Badan Tahay In Xagaagaan Uu Ka Tago Barcelona , Halkee Ayuu Wajiga Saarayaa?

Raphinha ayaa la sheegay in uusan meesha ka saarin inuu ka tagayo Barcelona xagaagan ee suuqa kala iibsiga iyadoo ay xiiso weyn u qabto kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta horyaalka Saudi Pro.

29 jirkaan ayaa xilli ciyaareed kale oo cajiib ah ku qaatay Barcelona 2025-26 inkastoo uu la kulmay dhibaatooyin dhaawac ah, isagoo dhaliyay 21 gool isla markaana diiwaan geliyay sideed caawin 33 kulan oo uu saftay.

Raphinha ayaa labo sano oo keliya uga harsan qandaraaskiisa Camp Nou, waxaana hadda jira warar sheegaya inuu ka tagi karo kooxda Hansi Flick.

Sida la soo xigtay , Al-Hilal ayaa Raphinha ka dhigtay bartilmaameedkooda koowaad xagaagan, iyadoo kooxda Saudi Pro League ay ku cadaadineyso saxiixiisa.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Raphinha uu muujiyay rabitaan ah inuu wadahadal la galo Al-Hilal, inkastoo aysan jiri doonin wax dhaqdhaqaaq ah ilaa Koobka Adduunka 2026 ka dib, iyadoo weeraryahanka uu hadda matalayo Brazil tartanka.

Al-Hilal ayaa si xooggan u dadaal u gilisay si ay ula soo saxiixato Raphinha xagaagii 2024, laakiin weeraryahanka waxaa ku qanciyay tababaraha cusub ee Hansi Flick inuu sii joogo Barcelona.

Raphinha wuxuu u ciyaaray Barcelona xilli ciyaareed cajiib ah 2024-25, isagoo dhaliyay 34 gool isla markaana diiwaan geliyay 26 caawin 57 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Catalunya Radio ayaa ku warameysa in mushahar badan loo soo bandhigay Raphinha si uu ugu dhaqaaqo Saudi Pro League xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga