Qofka Go’aamin Doona Mustaqbalka Ten Hag Ee Man United Oo La Ogaaday

Madaxa fulinta Manchester United Omar Berrada ayaa ugu dambeyntii noqon doona shaqsiga go’aamin doona in Erik ten Hag uu sii ahaan doono tababaraha kooxda xilli ciyaareedka soo socda iyo hadii kale.

Berrada waxa uu leeyahay khibrad badan ka dib markii uu buuxiyey doorka madaxa hawlgelinta kubbadda cagta ee Manchester City, waxaana uu diyaar u yahay inuu sii wado hawlaha kubbadda cagta ee Old Trafford marka uu si rasmi ah u bilaabo shaqadiisa cusub xagaaga.

Sir Jim Ratcliffe ayaa Berrarda kala Soo wareegay kooxda Man City waana afduubkii ugu horeeyay ee uu ku sameeyo kooxda ay jaarka yihii.

In kasta oo uu wacdaro ka dhigay xilligiisii ugu horeeyay ee Man United Ten Hag ayaa si weyn ugu dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed cajiib ah ka Soo Saaro kooxda Man United.

Masiirkiisa waxaa go’aamin doona Berrada halkii uu Sir Jim Ratcliffe Go’aamin lahaa sida laga soo xigtay Manchester Evening News.

Waxaa lagu qeexay in Ratcliffe uu ku faraxsan yahay inuu u wakiisho habka go’aan gaarista mustaqbalka Ten Hag Berrada oo leh khibradiisa.

Waxa ay u badantahay in Ten Hag dhamaysan doono xilli ciyaareedkan Kadib markii uu kooxda geeyya Semi final FA cup.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga