Yaab: John Stones Oo Aan Ogayn In Ay Man City La Ciyaari Doonaan Arsenal

John Stones xitaa ma uusan ogeyn in Manchester City ay la ciyaarayso kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal kulankoodii ugu horeeyay ka dib fasaxa caalamiga ah.

Kulanka xiisaha leh ayaa go’aamin kara cidda ku ku Guulayasan doonta horyaalka Premier League.

Laakiin Stones wax war ah kama haynin cidda Soo booqan doonta Etihad Stadium Kadib fasaxa caalamiga ah ka Hor Inta uuna Decline Rice u sheegin kulanka.

Rice ayaa yidhi” maalintii ugu horeeysay ee aan imid tababarka xulka Qaranka England, waxa aan arkay Stones, xitaa ma ogayn in ay nala ciyaari doonaan kulanka xiga”.

“Waxa uu jecelyahay in uu kulan kasta ka hadlo wakhtigiisa, waxa aan ku idhi kulan adah ayaa xiga, waxa uu iigu Jawaabay ayaad la ciyaaraysaan”.

“Waxa aan ku idhi idinka Kadib waxa uu yidhi, Haye gartay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga