Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Dhaawaca Goolhaye Ederson

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in dhaawaca soo gaaray goolhaye Ederson uusan u muuqan mid wanaagsan.

Citizens ayaa daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu John Stones dhaliyay goolka kadib karoos uu ka helay Kevin De Bruyne.

Si kastaba ha ahaatee, kaliya 84 ilbiriqsi ka dib markii dib loo bilaabay, Ederson ayaa soo gaaray dhaawac ka dib markii uu Darwin Nunez ku dhex tuuray xerada ganaaxa kaas oo sababay rikoodhe.

Ka dib markii la daweeyay, xiddiga reer Brazil waxaa u suurtagashay inuu wajaho rikoodhadii uu laaday Alexis Mac Allister waxana uu ku fashilmay in uu badbaadiyo rikoodhada.

Ederson ayaa isku dayay inuu ciyaarta sii wado laakiin waxa uu dareemay xanuun taas oo keentay in la badalo daqiiqadii 56-aad.

Mar wax laga weydiiyay darnaanta dhaawaca Ederson wareysi uu ciyaarta ka dib siiyay beIN Sports, Guardiola wuxuu yiri: “Uma muuqato mid wanaagsan.”

“Ma garanayo hadda sida uu dhaawacu halis u yahay, waxa aan sugi doonaa baadhitaanka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga