Pep Guardiola ayaa u sheegay weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez inuu ku xisaabtamayo isaga ka hor xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.
Alvarez ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Man City xagaagan iyadoo kooxaha Premier League ee Arsenal iyo Chelsea la rumeysan yahay inay xiiseynayaan saxiixiisa.
24-sano jirkaan, oo u dhaliyay 36 gool 103 kulan oo uu u saftay Manchester City, ayaa si isdaba joog ah u sheegay inuu ka tagi karo Etihad Stadium sabab la xidhiidha in uu kaydka ugu jiro Erling Haaland.
Alvarez ayaa dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Paris isaga iyo xulka qaranka Argentina ee ciyaaraha Olombikada balse waxa uu qarka u saaran yahay in uu dib ugu laabto Manchester ka dib markii xulkiisu ka hadhay tartanka.
Mar la weydiiyay hadii uu wax cusub ka helay Alvarez ka dib guushii ay Man City 4-2 kaga badisay Chelsea xilli ciyaareedka cusub, Guardiola wuxuu yiri:”Ma jiro war cusub”.
“Ma hayo wax aan sheego. wuu soo laaban doonaa. Isaga waan ku xisaabtamayaa, laakiin wuxuu ku sheegay warka in go’aannada la wada gaari doono”.
Be the first to comment