Paul Scholes wuxuu ka baqayaa in saddex ka mid ah ciyaartoyda ugu khibradda badan ee Manchester United aysan mar dambe awoodin inay la qabsadaan culayska iyo xawaaraha horyaalka Premier League.
Kooxda uu hoggaamiyo Ruben Amorim ayaa guul niyad dhis ah gaartay ka hor fasaxa caalamiga ah, iyadoo 2-0 ku garaacday kooxda Sunderland oo marti u ahayd.
Saddexda dhibcood ee laga helay kooxda cusub ee soo gashay Premier League waxay u ahaayeen dhiirrigelin weyn tababaraha cadaadiska saaran ee Ruben Amorim, kaas oo weli la halgamaya sidii uu u badbaadin lahaa shaqadiisa xilli uu ku dhow yahay sanadguuradiisa koowaad ee Old Trafford.
Manchester United waxay sameysay isbeddel weyn oo dhanka ciyaartoyda ah 12-kii bilood ee la soo dhaafay, balse wali waxay u muuqataa in ay ka fogtahay heerkii ay doonayeen inay garaan.
Ciyaartoydii lagu soo kordhiyay xagaagan — Bryan Mbeumo, Benjamin Sesko iyo Senne Lammens — dhammaantood waxay muujiyeen calaamado rajo leh, balse isbeddello dheeraad ah oo lagu sameeyo kooxda ayaa loo baahan doonaa haddii Red Devils ay doonayaan inay mar kale la tartamaan kooxaha ugu sarreeya ee Premier League.
Iyada oo ku guusha premier league ay noqonayso mid ku xidhan awooda iyo joogtayn Scholes wuxuu ka baqayaa in saddexda ciyaartoy ee da’da ah ee Manchester United aanay mustaqbal fog ku yeelan doonin kooxda uu hoggaamiyo Amorim.
Wuxuu u sheegay The Times isagoo yiri: “Shaw, Maguire, Casemiro — dhammaantood waa ciyaartoy waaweyn oo heer sare ah, laakiin hadda waxay marayaan marxalad ka mid ah xirfadooda oo haddii aadan jir ahaan u diyaarsanayn, si fudud ayaa looga tagayaa”.
” Jirkooda ma aha mid ciyaareed oo xoog badan, ma aha kuwo xooggoodu ku filan, mana aha kuwo degdeg ah. Waxay hoos ugu dhaceen heer aysan awoodin inay la qabsadaan baahiyaha iyo heerka adag ee lagu ciyaaro horyaalka Premier League”.
Be the first to comment