Kooxda Chelsea ayaa guul weyn kala soo laabatay garoonka kooxda martida loo ahaa ee Nottingham Forest, kadib markii ay ku adkaadeen 3-0, kulan ka tirsanaa wareegga siddeedaad ee horyaalka Premier League ee premier League.
Qaybtii hore ee ciyaarta waxay la kulantay isku dayo badan oo ay labada kooxood ku doonayeen inay jebiyaan shabaqyada, balse dadaalladaasi ma aysan ahayn kuwo halis ah oo miro dhal ah, taasoo keentay in qaybta hore ay ku dhammaato barbaro goolal la’aan ah.
Josh Acheampong ayaa furay ciyaarta isagoo dhaliyay goolka koowaad ee Blues daqiiqaddii 49-aad, ka hor inta uusan Pedro Neto sii kululeyn cadaadiska kooxda martida loo ahaa isagoo dhaliyay goolka labaad kaliya saddex daqiiqo gudaheed.
Reece James ayaa dhammeystiray natiijada isagoo dhaliyay goolka saddexaad ee Chelsea daqiiqaddii 84-aad, ka hor inta aan kooxdiisa kaadhka cas looga saarin Malo Gusto kaas oo loo taagay laba kaadh oo diginin ah ciyaartana laga saaray daqiiqadii 87-aad.
Natiijadan awgeed, Chelsea waxay kor ugu qaaday dhibcaha 14, iyadoo si ku-meel-gaar ah ugu jirta kaalinta afraad, halka kooxda guuldarreysatay ay ku hartay 5 dhibcood oo ay kaga jirto kaalinta 17-aad ee kala sareynta horyaalka.
Be the first to comment