Halyeeygii hore ee khadka dhexe ee Arsenal, Patrick Vieira, ayaa magacaabay shan ciyaaryahan oo ka tirsan Arsenal-ta hadda uu aaminsan yahay inay geli karaan Shaxda kooxda caanka ahayd ee Horyaalka Ku qaaday guuldaro la’aan xilli ciyaareedkii 2003/04.
Kooxdaas taariikhiga ah oo uu maamulayay Arsene Wenger ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay uguna dambaysay qee Premier League ku dhamaysata xilli ciyaareed dhan iyada oo aan laga badin hal kulan.
Waxay xilli ciyaareedka ku guuleysteen 26 kulan, barbaro galeen 12 kulan, waxayna uruursadeen 90 dhibcood si ay horyaalka ugu qaadaan.
Wareysi uu siiyay Sky Sports, Vieira wuxuu sheegay in Gabriel Magalhaes, Bukayo Saka, David Raya, Jurrien Timber iyo Declan Rice ay yihiin ciyaartoyda Arsenal-ta maanta ee boos ka heli lahaa kooxdiisii hore.
Vieira wuxuu yiri:“Haddii aan ku beddelayo qaar ka mid ah Invincibles-ka ciyaartoyda hadda jooga, waxaan goolka dhigi lahaa David Raya halkii Jens Lehmann”
“Jurrien Timber ayaan ka ciyaarsiin lahaa daafaca midig — runtii waan jeclahay isaga. Difaaca dhexe waxaan sii haysan lahaa Sol Campbell laakiin Gabriel ayaan ku beddeli lahaa Kolo Toure*
“Garabka midig Bukayo Saka ayaa geli lahaa halkii Freddie Ljungberg. Weerarka kama taabaneyno Thierry Henry iyo Dennis Bergkamp. Sidoo kale Declan Rice ayaan ku beddeli lahaa Gilberto Silva, halka Robert Pires uu sii joogi lahaa garabka bidix.”
Be the first to comment