Tababarihii hore ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa la filayaa inuu xilli ciyaareedka dambe ee Premier League wajahayo saaxiibkiis reer Spain Mikel Arteta kadib markii uu ogolaaday inuu la wareego Chelsea.
Xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka ayaa ka mid ah ciyaartoyda dhifka ah ee kasoo hoos ciyaaray labada tababare, wuxuuna hore uga hadlay farqiga u dhexeeya Arteta iyo Alonso.
Arteta ayaa hadda hoggaamiya Arsenal, isagoo kooxda ku hoggaamiyay tartan adag oo Premier League ah, halka Alonso si weyn loogu amaanay qaab ciyaareedkiisii iyo fikirkiisii tababarenimo ee Spain.
Xhaka ayaa sheegay in labada tababare ay wadaagaan maskax kubadeed oo sare, balse ay ku kala duwan yihiin habka ay ula dhaqmaan ciyaartoyda iyo qaabka ay ciyaarta u maamulaan.
Granit Xhaka wuxuu qayb ka ahaa kooxdii Mikel Arteta kula guuleysatay FA Cup sanadkii 2020, isagoo ciyaaray dhammaan 90-kii daqiiqo ee ay Arsenal kaga adkaatay Chelsea garoonka Wembley Stadium.
Xhaka ayaa toddobo sano ku qaatay waqooyiga London kahor inta uusan ku biirin Bayer 04 Leverkusen sanadkii 2023, halkaas oo uu mar kale kula midoobay Xabi Alonso.
Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Germany, Xhaka iyo Leverkusen waxay ku guuleysteen laba koob oo gudaha ah, taas oo muujisay saameynta degdegga ah ee Alonso ku yeeshay kooxda.
Mikel Arteta iyo Xabi Alonso labaduba waxay ku jiraann marxaladihii hore ee shaqooyinkooda tababarenimo markii ay la shaqeynayeen Granit Xhaka.
Si kastaba, Xhaka wuxuu sheegay in xitaa waqtigaas ay si cad u muuqatay kala duwanaanshaha u dhexeeya labada tababare, gaar ahaan dhinaca dabacsanaanta xeeladaha ciyaarta.
Alonso ayaa lagu tilmaamay tababare si fudud u beddeli kara qaababka iyo nidaamka ciyaarta, halka Arteta uu si adag ugu dheggan yahay falsafaddiisa kubadeed.
Xhaka wuxuu wareysi uu siiyay PFA sanadkii 2024 ku yiri:
“Mikel wuxuu leeyahay falsafaddiisa, waana taas. Waad ogtahay sida uu mar walba dhinacyada u beddelo, ciyaaryahanka xor ka dhigto, uguna oggolaado inuu cadaadis saaro tusaale ahaan.”
Xhaka hadalkiisa ayuu sii watay isagoo sharaxaya qaabka ciyaareed ee uu Mikel Arteta aadka ugu dheggan yahay.
Wuxuu yiri:“Xitaa mar walba wuxuu ku ciyaaraa afar daafac oo dambe ah mana beddelo shan daafac, tusaale ahaan. Sidoo kale ma beddelo nidaam sida 4-4-2 oo leh laba weeraryahan oo toos ah”
“Sidaas darteed waxaad mar walba arkeysay 4-3-3, oo leh hal lambarka 6 ah iyo laba lambarka 8 ah.”
Xhaka ayaa ula jeeday in Arteta uu si joogto ah u isticmaalo nidaamkiisa uu jecel yahay, halka Xabi Alonso uu ka dabacsan yahay qaababka iyo isbeddellada taktiko ahaan.
Xhaka ayaa sii sharaxay farqiga u dhexeeya Xabi Alonso iyo Mikel Arteta dhinaca xeeladaha ciyaarta.
Wuxuu yiri:“Xabi wax yar ayuu ka duwan yahay. Waxaan u maleynayaa in Xabi ku ciyaari karo afar daafac, laakiin sidoo kale wuxuu ku ciyaari karaa shan daafac…
“Waxa uu mar walba doonayo waa laba lambarka 6 ah, kuwaas oo aan meel kasta orod badan ka sameynayn balse inta badan boosaskooda ku sugan.”
Xhaka ayaa sidoo kale sheegay in tababare kasta uu u baahan yahay falsafad iyo fikir u gaar ah.
“Laakiin waxaan u maleynayaa haddii aad tababare tahay inaad leedahay falsafaddaada, xeeladdaada iyo fikradahaaga gaarka ah. Dabcan mar walba waxaad beddeli kartaa hal ama labo arrimood, laakiin ma beddeli kartid wax walba oo badan.”
Be the first to comment