Muxuu Sameeyay Pep Guardiola Markii La Xaqiijiyay Bixitaankiisa Man City?

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa la sheegay inuu raalli-gelin siiyay ciyaartoydiisa kadib markii wararka bixitaankiisa ay soo baxeen habeenkii Isniinta, sida uu qoray wargeyska UK Sun.

Guardiola ayaa la filayaa inuu ka tago Etihad dhammaadka xilli ciyaareedkan hadda socda.

Ninka 55 jirka ah kulankiisii ugu dambeeyay ee uu hoggaaminayo City wuxuu noqon doonaa kulanka Premier League ee toddobaadkan ay gurigooda kula ciyaarayaan Aston Villa.

Si kastaba, waxaa muuqata in Guardiola uu doonayay in shaacinta bixitaankiisa dib loo dhigo inta ugu badan ee suurtagalka ah.

Wararka ayaa sheegaya inuu ka carooday sida xogtu u baxsatay, taas oo keentay inuu kooxda isugu yeero kulan degdeg ah oo habeen dambe ah.

Intii uu socday kulankaas, Guardiola ayaa la sheegay inuu ciyaartoyda ka raalli-geliyay isla markaana xaqiijiyay inuu baxayo.

Ciyaartoyda City ayaa la sheegay inay aad uga naxeen arrintan, maadaama ilaa Sabtidii dhaweyd loo sheegay inuu sii joogayo kooxda.

Manchester City ayaa caawa u safreysa inay la ciyaarto AFC Bournemouth, waxaana haddii ay guuldarreystaan ama barbaro galaan, Arsenal si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa horyaalka Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga