Ole Gunnar Solskjaer: Ronaldo Dhibaato Ayuu Ku Abuuray Man United Markii….

Tababarihii hore ee man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka shalayn saxiixa Cristiano Ronaldo ee Manchester United 2021, laakiin wuxuu qirtay soo laabashada weeraryahanka ee kooxda ay dhibaato ku keentay qolka Labiska.

United ayaa Ronaldo kula soo wareegtay 12 milyan iyaga oo kala soo wareegay Juventus sanadkii 2021, waxayna saxiixiisa ku garaacday Manchester City.

Red Devils ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay ku dhameysteen kaalinta labaad ee tartanka Europa League, ka dib markii ay guuldaro kala kulmeen Villarreal finalka.

Raphael Varane iyo Jadon Sancho ayaa ku biiray kooxda horaantii xagaagaagaas Edinson Cavani ayaa lagu qanciyay inuu sii joogo sanad kale.

Laakiin United ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karaan Ronaldo goor dambe oo suuqa ah go’aansaday in uu ka tago kooxda Juventus Solskjaer ayaana codsaday in loo keeno xiddiga.

In kasta oo soo laabashada Ronaldo lagu dhawaaqay, arrimuhu si dhakhso ah ayay ugu furmeen Old Trafford, Solskjaerna waxa la caydhiyay saddex bilood ka dib.

Inkasta oo tababaruhu sheegay in uuna ka qoomameynin saxiixa Ronaldo, haddana wuxuu qirtay in ciyaartoyda kale ka xumaadeen saxiixiisa.

“Cristiano wuu ka duwan yahay Antony Martial oo afka hore ka ciyaari jiray, si la mid ah Mason Greenwood ama Marcus Rashford”ayuu Solskjaer ku yidhi Stick to Football podcast.

“Edinson Cavani ayaa ahaa xiddiga sida weyn ugu dhibaatooday imaatinka Cristiano Ronaldo waxana imaatinka Ronaldo keenay dhibaato dhinaca qolka labiska ah”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga