Thomas Tuchel Oo Ku Riyoonaya Ku Laabashada Chelsea.

Tababarihii hore ee Chelsea Thomas Tuchel ayaa isha ku haya inuu Ku soo laabto Chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Mauricio Pochettino ayuu saaran yahay cadaadis saaran yahay waxana laga yaabaa in la badalo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Runtii, waxa ay u muuqataa in Chelsea ay isku diyaarinayso inay iska caydhiso tababarihii hore ee Tottenham iyo PSG, kaas oo qandaraas kula jira ilaa June 2025 waxana jira tababarayaal badan oo lala xidhiidhinayo.

Si kasta ha ahaatee Tuchel ayaan ka mid ahayn tababarayaasha lala xidhiidhinayo iyada oo tababarayaasha Roberto De Zerbi uu ka mid yahay tababarayaasha hogaaminaya.

Si kasta ha ahaatee taas ayaan tababare Tuchel ka hor istaagin in uu magaciisa ku daro liiska kadib 18 bilood markii laga caydhiyay kooxda.

Bild ayaa warinaysa in Tuchel uu ku riyoonayo soo laabashada Stamford Bridge.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga