Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Man City.

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga Mohamed Salah ka hor kulanka Man City.

Salah ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa ka hor kulanka Europa League ee ay la ciyaarayaan kooxda Sparta Praha.

Mohamed Salah ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa kana mid ahaa Kulankii chelsea ee final-kii tartanka Carabao cup-ka.

Laakiin xiddiga ayaa maanta si buuxda uga qayb qaatay tababarka kooxda ee ka hor tartanka Europa League.

Salah ayaa la filayaa in uu kaydka ku bilowdo kulanka Europa League ka hor inta uuna si buuxda ugu bilaaban kulanka Man City ee Todobaadka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga