Sterling Oo Taageerayaasha Chelsea Raali Galin Siiyay, Sabab.

Garabka kooxda Chelsea Raheem Sterling ayaa raaligelin ka bixiyay rigoore uu qasaariyay kulankii Leicester City ee wareega 8da FA Cup axadii.

Inkastoo qeybtii labaad ee ciyaarta ay aheyd mid xiiso leh Chelsea ayaa awooday inay ku badiso 4-2, iyagoo ka bad baaday labo gool oo ay kaga soo laabteen Foxes si ay ugu soo xaadiraan semi-finalka.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo ay guul gaadheen chelsea ayaa ku dhibaatootay ciyaarta gaar ahaan qaybtii dambe ee ciyaarta.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa fursad u helay in uu ciyaarta dilo kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Sterling ayaa si lama filaan ah looga badbaadiyay taas oo keentay in ay Leicester ku soo laabato ciyaarta.

Instagram-ka, wuxuu ku yiri: “Wembley ayaan aadaynaa, Dhammaan taageerayaasha Chelsea waxan ka raali galinayaa rikoodhadii aan khasaariyay Waxaan soo laaban doonaa 10x jeer si ka xoog badan si aan u caawiyo kooxda inay guuleysato oo aan sii wado inaan u dagaalamo maaliyada kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga