Mohamed Salah Oo Laba Shardi Ku Xidhay In Uu Sii Joogo Liverpool.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu ku faraxsan yahay in uu sii joogo Anfield wixii ka dambeeya dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga hadii laba shuruudood la buuxiyo.

Kadib markii xagaagii oo dhan lala xidhidhinayay Kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Ittihad, Xiddiga 31 jirka ah ayaa sii joogay Liverpool kadib markii ay Liverpool diiday dalab ka badan 150 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa wali bartilmaameed u ah kooxda Sucuudiga ka ciyaarta taas oo diyaarinaysa dalab qaali ah suuqa xagaaga.

Bixitaanka Klopp ee Liverpool ayaa shaki sii galiyay mustaqbalka xiddiga kaas oo lala xidhiidhinayo in uu ka tagayo kooxda.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Xiddiga 31 jirka ah ayaa diyaar u ah in uu sii joogo kooxda hadii uu dhawr balan ka helo maamulka kooxda.

Shardiga ugu horeeya ayaa ah in uu Salah doonayo in lala socodsiiyo qorshaha kooxda ee mustaqbalka iyo waliba in uu ogaado tababaraha badali doona Jurgen Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga