John Obi Mikel Oo Magacaabay Laba Koox Oo Uu Midkood Doonayo In Ay Iska Xaadiriyaan Final-ka Champions League.

Halyeeyga kooxda chelsea ee John Obi Mikel ayaa magacaabay laba koox oo uu doonayo in ay midkood iska xaadiriso final-ka tartanka champions League.

John Obi Mikel ayaa ka qayb qaatay isku aadka champions League wareegiisa 8 dhamaadka iyada oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso leh.

John Obi Mikel ayaa la waydiiyay in uu saadaaliyo tartanka champions League iyo cida iska xaadirin doonta final-ka tartanka.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea John Obi Mikel ayaa sheegay in uu doonayo in midkood Man City ama Arsenal iska xaadiriso final-ka champions League.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa Final-ka champions League lagu qaban doonaa Wembley, sidaas darteed waxa aan rajaynayaa in ay midkood Final-ka iska xaadiriso kooxaha Arsenal ama Man City maadama England lagu ciyaari doono”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga