Modrić: Mustaqbalkayga Go’an Ayaan Ka Gaadhay Laakiin.

Luka Modric ayaa xaqiijiyay inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa Real Madrid, balse uu sugayo waqtiga saxda ah si uu si rasmi ah ugu dhawaaqo.

Mustaqbalka Modrić ee kooxda Real Madrid ayuu shaki ku jiraa iyada Oo uu galayo todobaadyadii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Modric ayaa 12-sano oo uu joogay Los Blancos ku kasbaday maqaam heersare ah, waxa uu ka qayb qaatay 39 gool iyo 86 caawin 533 kulan oo uu saftay sidoo kale waxa uu kula guulaystay 25 koob – waana wada-jirka ugu badan ee ciyaaryahan kasta oo taariikhda kooxda soo maray.

Xiddiga reer Croatia ayaa noqon Kara xiddiga ugu Guulaha badan hadii ay Real Madrid garaacdo Dortmund Final champion league.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay warbaahinta Spain Partidaz de Cope, Modric ayaa yiri: “Go’aanka mustaqbalkeyga waa la gaaray, laakiin weli kuuma sheegi karo”.

“Mar walba waxaan dhihi jiray waxaan rabaa inaan kaga fariisto Real Madrid, tani waa waxa aan runtii doonayo, tani waxay noqon laheyd riyo, kani waa gurigayga, kooxda nolosheyda, waxaan rabaa sagootin sida Toni Kroos”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga