Miyuu Neymar Ku Biirayaa Liverpool

Halyeyga kubadda Michael Owen, ayaa ka hadlay suurtogalnimada uu xiddiga reer Brazil ee Neymar da Silva, oo hadda u ciyaara Saudi Al Hilal, uu uga soo wareegi karo horyaalka England Premier League ee Liverpool xilliyada soo socda.

Neymar ayaa ku biiray Al-Hilal Saudi Arabia xagaagii 2023 isaga oo kaga soo biiray Paris Saint-Germain, halkaas oo uu heshiis laba xilli ciyaareed ah u saxiixay.

Neymar ayaa ka qayb galay kaliya 5 kulan oo uu la ciyaaray Al Hilal, ka hor inta uuna xilli ciyaareedkiisa dhamaan xilli hore kadib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Michael Owen oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”“Sida iska cad Neymar waxa uu leeyahay sumcad aad u weyn, waxaana hubaa in ay koox walba soo dhawayn doonto laakiin lacag badan ayaa lagu helayaa.”

“Uma malaynayo in uu yahay xiddig ku soo baxaya Liverpool hadii ay la soo saxiixato Neymar waxa laga yaabaa in ay ula soo saxiixato sabab aan ciyaaro ahayn”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Ma arko in Neymar uu ku haboon yahay Manchester United sidoo kale waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu ka ciyaaro London”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga