Miyuu Casemiro Ka Tagayaa Man United Xilli Ciyaareedkan? Ten Hag Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in uu filayo in Casemiro uu kooxda sii joogo xagaagan inkasta oo ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Laacibka reer Brazil ayay ku adkeyd inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu wanagsan xilli ciyaareedkii hore isaga oo la kulmay dhaleecayn badan.

Kooxo ka tirsan horyaalka sucuudiga ayaa xiiso u muujiyay Casemiro xagaagan laakiin xiisahaas ayaa meesha ka baxay.

32-sano jirkaan ayaa labo sano oo kale uga harsan tahay inuu qandaraas qaali ah ku sii joogo Old Trafford, waxaana warbixin dhowaan soo baxday ay sheegtay inay u badan tahay inuu ugu yaraan hal xilli ciyaareed kale ku qaadan doono Old Trafford.

Casemiro ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaartii Community Shield ee sabtidii ay la ciyaareen Manchester City waxana uu dhaliyay rikoodhadii uu u laaday kooxdiisa xilli laga badiyay kooxdiisa kulanka.

Casemiro oo aan ka mid ahayn xulkii Brazil ee Copa America, waxa uu si buuxda u qaatay tababarkii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxana la filayaa in uu hogaamiyo khadka dhexe ee Man United kulanka Fulham ee furitaanka premier League.

Ten Hag ayaa xiddiga khadka dhexe ku tilmaamay mid aad muhiim ugu ah Red Devils isaga oo sheegay in uu filayo in xiddigu uu sii joogo Old Trafford xagaagan.

“Casemiro? Uma maleynayo inay ku saabsan tahay nidaamka. Tan iyo wakhti dheer, waxa uu soo qaatay isku diyaarin fiican oo xilli ciyaareedka ah sidaas darteed waa taam buuxa haatan”ayuu Ten Hag yidhi.

“Koox ahaan waxaan u shaqeynaa si aad u wanaagsan, taasina waa u fududahay Casemiro, waa ciyaaryahan weyn, wuxuuna keeni karaa xirfadiisa, aad ayuu muhiim ugu yahay kooxdeena waxana uu sii joogi doonaa kooxda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga