Tababaraha Michael Carrick ayaa xaqiijiyay in Matheus Cunha iyo Luke Shaw ay wali shaki ku jiraan ka hor kulanka Manchester United ay la ciyaarayaan Liverpool ee Premier League maalinta Axadda.
Cunha ayaa seegay guushii United ay 2-1 kaga badisay Brentford sababo la xiriira dhaawac ka hayay muruqa miskaha (hip flexor), halka Shaw la saaray qeybtii labaad ee ciyaarta kadib markii uu dhaawac yar soo gaaray.
Sawirro la qaaday Khamiistii ayaa muujinayay Cunha oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda koowaad, balse Carrick ayaa sheegay in ciyaaryahanka reer Brazil iyo sidoo kale Shaw ay wali u baahan yihiin inay muujiyaan inay taam yihiin ka hor kulanka Axadda ee ka dhacaya Old Trafford.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ka hor ciyaarta Jimcaha, Carrick wuxuu yiri:
“Xaaladdeennu guud ahaan waa wanaagsan tahay. Matheus wax yar ayuu shaqo qabtay, sidaas darteed rajo ayaan qabnaa. Si buuxda uma hubno, laakiin rajo ayaan qabnaa.”
Be the first to comment