Xiddigii hore ee Chelsea, Chris Sutton, ayaa saadaaliyay kulamada wareegga 35-aad ee Premier League.
Manchester United ayaa la ciyaari doona Liverpool habeenka Axadda ee garoonka Old Trafford.
Arsenal ayaa la kulmi doona Fulham fiidnimada Sabtida ee Emirates Stadium.
Everton ayaa la ciyaari doona Manchester City Isniinta, halka Chelsea ay wajahayaan Nottingham Forest.
Isagoo soo bandhigaya saadaashiisa, Sutton wuxuu sheegay in Brighton & Hove Albion ay 2-1 ku garaaci doonto Newcastle United kulan ka dhici doona St. James’ Park.
Saadaasha kale ee Sutton, sida ay sheegtay BBC Sport, waxaa ka mid ah:
Brentford 1-1 West Ham United
Leeds United 2-0 Burnley
Wolverhampton Wanderers 0-1 Sunderland
Arsenal 2-0 Fulham
Bournemouth 2-1 Crystal Palace
Manchester United 2-2 Liverpool
Aston Villa 2-0 Tottenham Hotspur
Chelsea 1-1 Nottingham Forest
Everton 1-2 Manchester
Be the first to comment