
Mikel Merino ayaa doonaya in mushaar kordhin loo sameeyo maadama uu haatan kooxda u hayo laba shaqo isaga oo ka Ciyaara khadka Dhexe iyo waliba weerarka.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Isbaanishka ayaa dhaliyay afar gool – oo uu ku jiro kii guusha isbuucaan ka dhaliyay Chelsea – tan iyo markii uu u wareegay ka ciyaarista weerarka bishii hore ka dib dhaawacii Kai Havertz.
Ka dib markii ay ku guuldareysteen inay la soo wareegaan Ollie Watkins suuqii January, Gunners ayaa dib ugu laaban doonta suuqa kala iibsiga xagaaga si ay u hesho weeraryahan dhexe Andrea Berta oo Talyaani ah ayaa qarka u saaran in loo magacaabo agaasimaha cusub ee Arsenal si uu u sameeyo heshiisyada.
Laakiin waxaa la weydiiyay hadii Arsenal aysan u baahnayn weeraryahan cusub sababtoo ah goolashiisa Merino ayaa yidhi”Su’aashaas waxa ay u taalaa Arteta iyo Agaasimaha cusub”.
Markii lagu riixay imaatinka suurtagalka ah ee Berta, kaasoo ka soo shaqeeyay agaasimaha isboortiga ee Atletico Madrid, Merino wuxuu raaciyay: “Andrea Berta?
Merino Ayaa yidhi”Anigu Halka arin ee aan samayn doono ayaa ah in aan waydiisan doono Agaasimaha cusub mushahar dheeraad ah maadama aan haatan qabanayo laba shaqo oo kala ah ka ciyaarista khadka Dhexe iyo weerarka”.
Be the first to comment