Mikel Arteta ayaa diiday inuu xaqiijiyo maqnaanshaha xiddigaha Martin Odegaard iyo Riccardo Calafiori kulanka axada ee waqooyiga London ee ay wajahayaan Spurs.
Gunners waxa ka maqan dhawr xiddig sabab la xidhiidha dhaawacyo bishii ugu horaysay ee horyaalka premier League.
Saxiixa xagaaga ee Mikel Merino ayuu dhaawac halis ah ka soo gaaray garabka intii lagu jiray tababarkiisii ugu horeeyay ee kooxdiisa cusub taas oo meesha ka saaraysa ilaa dhamaadka October ugu yaraan.
Sidoo kale waxa uu shaki ku jiray xiddigaha Odegaard iyo Calafiori sabab la xidhiidha dhaawacyo ka soo gaadhay xulalkooda.
Ka hor kulank muhiimka ah Mikel Arteta ayaa yidhi”Waxa aan u baahanahay wakhti dheer si aan u baadhno aan aragno waxa dhaca maalinta xigta”ayuu Arteta yidhi.
“aad ayay u dareen fiicanyihiin waan ogahay in ay wax walba u samayn doonaan in ay diyaar u noqdaan kulanka, aan sugno oo eegno waxa dhaca”.
Be the first to comment