Liverpool Oo Loo Sheegay Sababtii Ay Ugu Fashilmeen Ku Guulaysiga Premier League

Daaficii hore ee Liverpool Stephen Warnock ayaa aaminsan in Reds aysan u qalmin hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan sababo la xiriira maamul xumadooda “ciyaaraha” .

Liverpool ayaa ugu cad-cadayd in ay ku guulaysato 4 koob bartamihii xilli ciyaareedkan.

Laakiin Liverpool ayaa bur-burtay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada Oo kaliya haatan haysata ku guulaystay Koobka Carabao cup.

Mar la weydiiyay hadii xiliciyaareedkii ugu dambeeyay ee Klopp loo tixgalin karo guul, Warnock ayaa ku jawaabay: “marka si loo eego haatan Marka la fiiriyo halkii ay ku dhamaysteen xilli ciyaareedkii hore”.

“bilowgii xilli ciyaareedkan waxa Aad qaadan lahayd kaliya u Soo bixista champions league laakiin Marka Aad Aad ugu dhawaato horyaalka waxa Aad is waydiinaysaan maxaa dhacay kulamadii ugu dambeeyay”.

“Uma maleynayo inay wax badan ka maqnaayeen kooxda laakiin fursadihii ay lumiyeen gaar ahaan kulankii Man United ee Anfield iyo kulankii Crystal Palace Oo ahaa kulamadii ay Liverpool lumisay horyaalka”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga