Maxay Klopp Iyo Slot Ku Kala Duwanyihiin? Elliot Ayaa Ka Jawaabay

Harvey Elliott ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay noqon doonto koox kubad heysasho ku dhisan wakhtiga Arne Slot marka loo eego kubadii cadaadiska ku dhisnayd ee uu Hogaaminayay Jurgen Klopp.

Hogaamiyihii hore ee Feyenoord Slot ayaa xilka kala wareegay Klopp horaantii xagaagan, waxaana uu ilaa hadda ku riyaaqay ololaha isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, isagoo dhawaan garaacay kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Arsenal ee dalka Mareykanka.

Waxaa jiray isbedel muuqda oo ku yimid Reds intii lagu jiray kulamadoodii saaxiibtinimo ee xagaaga, laakiin Elliott – oo laba caawin ka sameeyay kulankii Gunners – ayaa sheegay in kala guurka uu qaadan doono waqti inkastoo ay jiraan calaamado wanaagsan.

Waxa uu u sheegay The Times: “Hadda waa nooc ka badan kubad haysashada, Tababarayaashu way kala qaab duwan yihiin, Slot qaab ciyaareedkiisu waxa uu ku dhisan yahay kubad haysashada”.

“Waxa aan baranaynaa shaqada cusub waxana noo muhiim ah in aan fahamno waxa uu tabaruhu doonayo”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga