Mauricio Pochettino Oo Laba Xiddig Oo Chelsea Ah Keenaya Man United Hadii….

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea Mauricio Pochettino ayaa lagu oo waramayaa in uu weerar suuqa ah ku qaadi doono kooxda Chelsea hadii uu tababare u noqdo kooxda Man United.

Pochettino ayaa haatan lala xidhiidhinayaa in uu shaqada ka badali doono Erik Ten Hag kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya n u Pochettino haatanba diyaariyay qorshihiisa hadii uu noqdo tababaraha cusub ee Chelsea.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Pochettino doonayo in uu Man United keeno xiddigaha kooxda chelsea ee Conor Gallagher Iyo Trevoh Chalobah.

Pochettino ayaa xiddigaha Conor Gallagher Iyo Trevoh Chalobah kula shaqeeyay Chelsea xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Tababaraha reer Argentine ayaa xidhiidh fiican la leh labada xiddig waxana uu doonayaa in uu keeno kooxda Man United hadii uu noqdo tababaraha kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga