Masiibada Dhaawacyada Chelsea Oo Sii Socota & Xiddig Kale Oo Ka Dhaawacmay.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Ben Chilwell ayaa ku biiray Liiska Dhaawacyada kooxda chelsea.

Ben Chilwell ayuu dhaawac soo gaadhay waxana uu marayaa qiimayn lagu ogaanayo xaaladiisa sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Roman.

Xiddiga Ben Chilwell ayaa liiska dhaawacyada kula biiray xiddigo badan oo ka maqan kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer England ayaa ahaa kabtanka kooxda xilli uu maqan yahay Reece James kaas oo dhaawac muddo dheer ah ku maqan.

Laakiin Ben Chilwell ayaa haatan liiska dhaawacyada kula biiray xiddigo ay ka mid yihiin Reece James, Christopher Nkunku & Romeo Lavia.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga