Arsenal Oo La Joojin Laayahay Tan Ilaa Bilowgii Sanadkan

Tan iyo bilawgii sanadka kooxda Arsenal ayaa ahayd koox aan la joojin karin isla markaas wacdaro dhigaysa.

Kulankoodii ugu horeeyay ee 2024-kii waxa uu ahaa kulan ka tirsan FA Cup oo ay Liverpool kula ciyaartay garoonka Emirates, ciyaartaas oo lagaga badiyay 2-0.

Laakiin wixii intaas ka dambeeyay waxa ay badiyeen 7 kulan oo xidhiidh ah premier League waxana ay muujiyeen awoodooda horay u qarsoonayd.

Guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Porto ee Champions League ayaan joojin waxana ay ku soo badeen guul ay ka gaadheen kooxaha Newcastle United iyo Sheffield United si ay ugu sii jiraan tartanka horyaalka.

Arsenal ayaa ah koox awood badan iyada oo kooxdu baacsanayso hogaamiyayaasha horyaalka iyada oo 11 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga