Cody Gakpo Oo Ka Hadlay Sidii Uu Ugu Dhawaaday Ku Biirista Man United.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Cody Gakpo Ayaa ka hadlay qaabkii uu ugu dhawaaday in uu ku biiro kooxda Man United.

Man United ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Cody Gakpo si ay ugu xoojiso weerarkeeda suuqii xagaaga ee laba sano ka hor.

Tababare Ten Hag ayaa xitaa si shaqsi ah u doonayay saxiixa xiddiga reer Netherlands si uu ugula shaqeeyo Man United.

Cody Gakpo ayaa haatan qirtay in ay Man United wax walba u samaysay sidii ay u heli lahayd saxiixiisa.

“Manchester United waxa ay wadahadalo igula jirtay sidii ay iila saxiixan lahayd ka hor intii ayna Liverpool soo galin tartanka”ayuu Cody yidhi.

“Xitaa waxa aan la hadlay Erik Ten Hag si aan ugu biiro”.

“Laakiin dhamaadka, Liverpool ayaa timid, waxayna ii ahayd go’aanka ugu fiican”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga