Kooxda Man United ayaa la xidhiidhay Napoli iyaga oo u soo bandhigay heshiis isku badalasho ah oo ay is dhaafsanayaan xiddigaha Marcus Rashford iyo Khvicha Kvaratskhelia sida ay sheegayaan wararu.
Kadib markii uu lumiyay booska kooxda Man United, Rashford ayaa la dhigay suuqa bishan laakiin United ayaan wali helin dalab Rasmi ah marka laga yimaado dalabyo amaah ah.
Kooxaha Ac Milan iyo Camo ayaa ah labada kooxood ee ilaa haatan heshiis amaah ah u soo bandhigay United si ay u helaan Rashford.
Laakiin sida laga soo xigtay wargayska L’Equipe, Man United ayaa U soo bandhigtay Napoli in ay si toos ah isku dhaafsadaan labada xiddig ee Marcus Rashford iyo Khvicha Kvaratskhelia.
Man United ayaa doonaysa in ay xiddiga Khvicha Kvaratskhelia keento kooxda inkasta oo ay tartan adag kala kulmayso kooxda PSG oo doonaya xiddiga.
Be the first to comment