Man United Mise Arsenal? Chris Sutton Oo Saadaaliyay Kulanka Axada

Chris Sutton ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Man United iyo Arsenal kulan ka tirsan horyaalka premier league.

Kooxda Mikel Arteta ayaa booqanaysa Old Trafford galabnimada Axada iyaga oo doonaya in ay cadaadiska ku hayaan kooxda ay xafiiltamaan horyaalka Premier League ee Manchester City.

Arsenal ayaa kulanka Soo galaysa iyaga Oo doonaya in ay ku guulayataan horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Man United Ayaa dhinaceeda ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka premier league.

“Waxa aan ku qanacsanahay in ay Arsenal dhulka ku jiidi Doonto Man United”ayuu Sutton yidhi.

“Waxa aan filayaa in ay Arsenal ku badin doonto 5/1″ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga