Erik Ten Hag Oo Magacaabay Xiddig Arsenal Ah Oo Ku Fiican Man United

Erik ten Hag ayaa ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa Manchester United inay la soo saxiixato Declan Rice suuqii xagaaga.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Mikel Arteta xilli ciyaareedkan, isagoo ka soo muuqday dhammaan 36-kii kulan ee Premier League ee Arsenal.

Khamiistii, Rice Рoo Arsenal ugu soo biirtay £100m xagaagii hore kaga soo dhaqaaqday West Ham Рayaa loo doortay xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu Fiican xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa Saxiixiisa ku Garaacday kooxaha Man City iyo waliba Chelsea.

Rice ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu Fiican kaliya Horyaalka ma ahan laakiin yurub Oo dhan.

Markii wax laga weydiiyay Rice ciyaaryahan ahaan iyo haddii uu ka jeclaan lahaa in Kooxdiisu la Soo saxiixato xiddiga ayuu yidhi”Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, Man United ayuu ku fiicnaan lahaa”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga