Man United Mise Arsenal? Gary Neville Oo Saadaaliyay Kulanka Axada

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa saadaaliyay in ay Man United Soo afjari doonto rajafa Arsenal ee horyaalka premier league kulanka Axada.

Gunners, oo hadda hal dhibic ka sareysa Manchester City Oo uu Hal kulan baaqi u Yahay.

Arsenal ayaa la Ciyaari Doonto Man United kulan muhiim u ah rajadeeda horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Neville ayaa sheegay in ay Man United Soo afjari doonto rajafa Arsenal ee ku Guulaysiga Premier League.

“Kulankii waa mid weyn”ayuu Neville yidhi.

“Arsenal Rikoodh Xun ayay ku leedahay Old Trafford”.

“Laba arin ayaan eegayaa kulanka, midka hore ayaa ah in uu Kulanku muhiim u Yahay Arsenal iyo in Rikoodhka Man United ee kooxaha waaweyn fiican yahay xilli ciyaareedkan”.

“Dadku haatanba meesha waxa ay ka saarayaan Man United laakiin waxan qabaa in Old Trafford noqon doono qabriga Arsenal”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga